Maxkamada ICC oo ka laabatay xukun adag oo ay horey ugu riday hogaamiye caan ah

Maxkamada caalamiga ah ee (ICC) ayaa laashay dambiyo dagaal iyo kuwa ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo horey loogu helay Madaxwayna ku xigeenkii hore ee Congo Jean-Pierre Bemba.

Bemba ayaa sanaddii 2016 lagu helay dambiyo laga geystay dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe intii u dhaxaysay 2002 iyo 2003.

Waxaa Mr Bemba lagu eedeeyay inuu ku guuldaraystay in uu ka hortago in mucaaaradkii uu hogaaminayay ay gaystaan dilal iyo kufsiyo.

Balse garsoore ayaa sheegay in ficiladda ay jabhadaasi gaysteen aan masuuliyeeda aan loo raacan Karin Mr Bemba.

Christine Van den Wijngaert ayaa sidoo kale sheegay in garsoorayaashii gaaray go’aankii hore 2016 ay ku guuldaraysteen in tixgaliyaan isku daygii la isku dayay in la joojiyo dambiyadan markii uu ogaaday in ay dhacayaan.

Go’aanka lagu laalay xukunkii hore ee ahaa 18 sano oo xarig ah ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyay taageerayaashiisa.

Balse hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa go’aankan ku tilmaamtay “guuldaro wayn ” oo u soo hoyatay dadkii tacadiya loo gaystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

 

- Advertisement -