Madaxweyne Farmaajo oo amar ka soo saaray jidadka xiran ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku amray Hay’adaha Amniga inay u furaan Wadooyinka xiran oo ay saacadihii la soo dhaafay dhibaatooyinka ku qabeen.

Qoraal uu madaxweynuhu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in amni buuxa lagu heli karo Wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo Ciidamada sidaas dareedeedna hay’adaha Amniga ay Shacabka wadooyinka u furaan.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa inta badan xirnaa maalmahan isku-socodka Gaadiidka dadweynaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabku ay dhibaato badan ku qabeen xili uu socdo diyaar garow loogu jiro munaasabada ciidul fitriga oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Ciidamada amaanka ayaa ku fasiray sababta ay jidadka u xireen ka hor taga falal amni daro iyo qaraxyo la doonayo in magaalada laga geysto, iyagoo shacabka ugu baaqay iney dulqaad muujiyaan maadaama naftooda la badbaadinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -