Qarax dhacay Warshad ku taalla Magaalada Hapur & dad badan oo ku dhintay

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 22 kalena way ku dhaawacmeen qarax kiimiko ah oo ka dhacay warshad lagu farsameeyo qalabka elektaroonigga ah oo ku taal degmada Hapur ee waqooyiga Hindiya Sabtidii, sida uu sheegay sarkaal booliis ah.

Shilka ayaa ka dhacay xarun warshadeed oo ku taal Dhaulana, oo qiyaastii 60 km (37 miles) u jirta caasimadda New Delhi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska Surendra Singh.

“Shirkadda waxa ay u diiwaan gashanayd in ay soo saarto qalab elegtaroonig ah, waxa kiimikooyinka loo isticmaalayna hadda waa la baarayaa,” Singh ayaa yidhi.

Shilalka warshadaha ayaa ku badan dalka Hindiya waxaana inta badan lagu eedeeyaa dadka ku xadgudbay xeerarka badbaadada, iyo sidoo kale kormeerka caajiska ah ee saraakiisha dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -