Allbanaadir.com
NEWS

Waddo Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda Muqdisho oo dib loo dhisay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho, taasoo dhawaan dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhismaha waddooyinku ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta bilicda, hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Caasimaddu ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska. Isagoo tilmaamay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Maamulka, bixiyaan canshuuraha, qeyb muhiim ahna ka qaataan dib-u-dhiskiisa dalkoodana.

“Waxaan shacabka Muqdisho kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda Caasimadda iyo dib-u-dhiska waddooyinka burbursan, Waxaan rabnaa in aan dib u soo celinno quruxdii Caasimadda aana si dhammeystiran uga saarno dhaawacyada ay geysteen dagaallada sokeeye, dhismaha waddooyinkuna waxay soo celinayaan ganacsiga , horumarka, bilicda iyo amniga, runtiina tani waxay ku timid iskutashiga Dawladda Hoose iyo dadka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Munaasabadda furitaanka Waddadan hadallo ka jeediyey Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo lagu eedeeyey iney Alshabaab u fidiyeen dacaayad

Caydiid Ali

Wasiirka amniga Somalia oo War ka soo saaray dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Dil goordhaw ka dhacay Dhuuso Mareeb xili ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Madax kale

admin