Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

Kulankan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya fasaxday lacag malaayiin dollar ah oo oo laheyd dowladda Imaaraadka ayna horey ula wareegtay dowladdii uu Farmaajo hoggaaminayay .

Related posts

Askari Shukaansi lagu soo qabtay oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Guddoomiye kuxigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay Shiinaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---