Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare oo Qarax lagu dilay xili uu Masjid kasoo baxay

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu dilay Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley ee Gobolka Banaadir Marxuum Abdirahman Ahmed Ali Garyare iyo labo kamid ah ilaaladiisa xili ay kasoo baxeen masaajid ay salaada Jimcaha kusoo dukadeen.

Sida aan wararka ku helany Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare iyo ilaaladiisa ayaa salaada Jimcaha kusoo dukaday Masjid kuyaala deegaanka Garasabaaley, waxaana markii masjidka kasoo baxeen lala eegtay qarax miino oo wadada loogu sii diyaariyay.

Maamulka Gobolka Banaadir uu katirsanaa masuulka la dilay ayaa Tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u Naxriisto Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley ee Gobolka Banaadir Marxuum Abdirahman Ahmed Ali Garyare.

Qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka ayaa lagu sheegay Abdirahman Ahmed Ali Garyare,  uu ahaa Mas’uul dadaal badan kusoo bixiyay sidii uu ugu shaqeyn lahaa Bulshada Gobolka Banaadir gaar ahaan shacabka Deegaanka Garasbaaley.

Bilooyin kahor ayaa qarax miino sidaan oo kale loogu dilay Gudoomiye kuxigeenkiii arimaha Amniga maamulka Garasbaaley iyo Gudoomiyihii dhalinyarada deeegaankaasi, waxaana masuuliyada dilalkaasi horey u sheegtay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -