Ciidamo ka tirsan dowlada oo dil fool xun ka geystay Magaalada Muqdisho

Ciidamo la sheegay iney ka tirsanaayeen kuwa milateriga DF ayaa si bareer ah Magaalada Muqdisho ugu dilay maanta nin Darawal ka ahaa gaadiidka dadweynaha ee Hoomey-da loo yaqaano.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan ka dib markii saddex Askari ay darawalka joojiyeen ka dibna weydiisteen inuu gaarigiisa ku qaado, kuna geeyo meel ay doonayeen balse darawalkan ayaa ka cudur-daartay arintaaso taasoo ka careysiisay askartan, sababtayna iney isla goobtaas ku dilaan.

Marxuum Maxamed deeq Ibraahim oo ahaa Aabbe xooggiisa ugu xamaali jiray caruurtiisa iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan ayaa xiliga la dilayey waxaa uu ka soo laabtay jaamacad uu maalin kasta geeyo, kana soo celiyo koox arday ah.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobtaas gaaray ciidamada amaanka DF oo halkaas ka bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan askarta dilka geysatay oo goobta ka baxsatay.

Ciidamada milateriga DF ayaa mararka qaarkood dil bareer ah ugu geysta magaalada Muqdisho dad shacab ah, intooda badana laguma dhigo gacanta oo wey ka baxsadaan cadaalada, iyagoo u hayaama degaano kaa baxsan caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -