Xabad joojintii Israel iyo Xamaas oo dhaqan gashay iyo dabaaldegyo socda (Sawirro)

Xabad joojin ayaa ka dhaqan gashay Marinka Qaza saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha ka dib markii Masar ay dhexdhexaadisay heshiis u dhexeeya Israel iyo Xamaas oo lagu joojinayo xabadda 11 maalmood duqeymo la is dhaafsanayey ka dib.

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in golaha amniga ay si aqlabiyad leh u aqbaleen talooyinka lagu aqbalayo hindisaha Masar ee xabad joojinta aan shuruudda lahayn.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa markaa kadib bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey xabad joojinta aqbalaada xabadjoojinta.

Kumanaan kun oo qof oo ku nool Qaza iyo dhulalka Falastiin ayaa isugu soo baxay jidadka si ay ugu dabaal dagaan xabad joojinta, iyagoo ruxaya calanka Falastiiniyiinta.

11-kaa maalmood waxaa hoos u dhac weyni ku yimid dhaqaalihii Yuhuudda, waxaa istaagtay dhammaan noloshii. Ma jirin wax nolol ah oo ka socotay guud ahaan dhulka dulmiga ay Yuhuuddu ku deggantahay, ganacsi, waxbarsho iyo nolol kaleba, Garoommadii dayuuradaha ayaa xirmay, magaalo walba waxay marti u ahayd gantaalaha Xamaas waxaana fashilmay nidaamka Difaaca Gantaalaha Yuhuuda ee loo yaqaan Iron Drome.

Reer Falastiin keliya kuma guuleysan in dagaalka ay ka dhigaan labo dhinac balse, sidoo kalena, waxa ay door ku lahaayeen go’aanka dagaal joojinta. Waa markii ugu horreysay ee Yuhuuddu aanay awoodin in ay dagaalka keligeed bilowdo, keligeedna joojiso.

Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 65 carruur ah, ayaa lagu dilay 11 maalmood oo qaraxu yahay Israel, halka Dhinaca Israel, 12 qof, oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay duqeymaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -