Ciidanka Puntland oo bilaabay fulinta amar ka soo baxay Madaxweyne Saciid Deni

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa ku dhawaaqay hawlgallo amniga lagu sugayo oo ay ka bilaabeen magaalada Boosaaso.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib amar ka soo baxay Madaxweynaha Puntland oo sheegaya in la xaqiijiyo amaanka magaaladaas.,

Toddobaadkan ayaa magaalada lagu dilay madaxii shirkadda P&O ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Axmed Muuse ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyey magaalada Boosaaso, iyagoo dadweynaha ka codsaday wada shaqeyn.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la soo sheegayaa inuu isaga laftiisa ku wajahan yahay saacadaha soo socda magaalada Boosaaso sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -