Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamo katirsan Haramcad oo Gadood sameeyay Wadooyin Muhiim ahna xirtay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad in ay sameeyeen gadood .

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa xirtay wadooyin muhiim ah oo kuyaala magaalada Jowhar gaar ahaan wadooyinka gala Madaxtooyada maamulka Hirshabelle iyo xarunta maamulka Gobolka, waxa ayna gaadiidka kusoo dhawaada ku ridayaan rasaas .

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ayaa dalbaday in laga wado magaalada Jowhar ay joogaan ku dhawaad sanad, waxa ayna sheegeen ciidamadan in ay ku adkaatay nolosha magaalada Jowhar oo dowlada geesay.

Ciidamadan ayaa magaalada Jowhar la geeyay xiligii ay dhacayeen doorashada maamulka Hirshabelle, waxa ayna ciidamadan oo rajo ka qabay in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii hore laga waday loo sheegay in ay sii joogayaan Jowhar.

Maamulka Hirshabelle iyo taliska booliiska Soomaaliya ayaan wali ka hadlin gadoodka ay ciidankan sameeyeen, lamana oga talaabada xigta ay qaadi doonaan ciidankan hadii la fulin dalabkooda ku aadan in Jowhar laga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni oo furay kalfadhiga Baarlamanka Puntland, kana hadlay arrimo xasaasi ah

Caydiid Ali

Tobias Billström oo kulan xasaasi ah la qaatay Diblomaasiyiinta dalalka Islaamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo kasoo jawaabay Baaqii Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---