(Sawirro) Deni oo furay kalfadhiga Baarlamanka Puntland, kana hadlay arrimo xasaasi ah

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada maamulkiisa.

Deni oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in Xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Deni ayaa soo hadal qaaday waxyaabaha ka qabsoomay heshiiskii maalgashiga ee dekadda Boosaaso, kaasoo dhex-maray sanadkii 2017 Puntland & Shirkadda DP World.

Waxaa uu sheegay inay siweyn ula socdeen xaaladaha ka jira dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso, isla markaana Puntland ay wada-hadal kula jirto Shirkadda DP World si loo xaliyo dhaliilaha ka jiro dhinaca Shirkadda.

Waxaa uu intaas ku daray inay kurajo weyn yihiin inay arrintan wax ka qabtaan, ayna dareensan tahay Xukuumaddiisu guuxa shacabka ayna ka jawaabeyso.

Deni ayaa baaqashada kulankii ay DP WORLD diiday inay ku qaabisho madaxda Puntland sabab uga dhigay cudurka COVID19, balse uu sheegay in arrintaasi ay Shirkadda DP World xal u keeni doonto.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Puntland ay ku dadaaleyso in caqabadaha ay kala kulmeen Shirkadda DP World aysan saameyn ugu yeelan xiriirka ay Puntland la leedahay Dowladda imaaraadka Carabta.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -