Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamo gaar ah oo loo tababaray maamulka Koonfur Galbeed (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa tababar usoo xiray ciidamado kamid noqonaya kuwa gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar gaar ah ku qaadanayay xero kutaala magaalada Baydhabo, waxaana ciidamadan tababar siinayay saraakiil katirsan midowga Afrika.

Munaasabada tababarka loogu soo xirayay ciidamadan ayaa waxa ay kusoo bandhigeen dhoolo tus iyo awooda ay u leeyihiin, waxa ayna ciidamadan sheegeen in diyaar u yihiin difaacada deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamadan tababarka loo soo xiray ku amaanay sida ay ugu dhabar adeegeen intii tababarka u socday, waxa uuna ugu baaqay in diyaar u noqdaan sidii deegaanadooda uga difaaci lahaayeen cadawga.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale u mahad celiyay saraakiishii iyo macalimiintii tababarka siinayay ciidamadan maanta tababarka loo soo xiray, waxa uuna xusay in ciidamadan filayaa in ay ku shaqeyn doonaan sidii loo tababaray.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa leh ciidamo iyaga u gaar ah inkastoo aysan sidaa u badneen, waxaana deegaanada Koonfur Galbeed ka howlga ciidamo isugu jira Milatari iyo booliis si toos ah uga amar qaata dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Israa’iil oo si arxan daro ah u dilay Aabbe, xaaskiisa iyo carruur ay dhaleen

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul u hadlay kadib soo dhowayntii Shacabka Degmada Warta Nabada (Daawo Videio)

admin

Shaqaalaha kala duwan ee dowladda iyo Hay’adaha oo maalmo badan la fasaxay

Cabdi Cade