Allbanaadir.com
NEWS

Markab ay la socdaan Ciidamo badan oo loo soo diray Xeebaha Somalia iyo ujeedka oo la ogaaday

Markab nuuca dagaalka ah oo leedahay dowlada Shiinaha ayna la socdaan ciidamo aad u hubeesan ayaa loo soo diray xeebaha Soomaaliya si uu galbiyo maraakiibta rayidka ah ee Ganacsiga ee mara biyaha Soomaaliya.

Markabkan oo xambaarsan Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters, Gantaallada wax burburiya & Doomo nuuca dheereeya ayaa kasoo shiraacday Dekedda ciidamada milatariga Shiinaha leeyihiin ee Zhoushan oo kutaala gobolka Zhejiang.

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in markabkan loogu tala galay in uu galbiyo maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha qaar kamid ah wadamada caalamka ee adeegsanaya Gacanta Cadmeed & Biyaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa Maraakiib ay la socdaan ciidamo usoo dira biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan Maraakiibta marta biyahaasi oo laga cabsi qabo in ay weeraraan kooxaha burcad badeeda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuqaalka ninkii ka dambeeyay qarax maanta ka dhacay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Dabley hubeysan oo caawa dil qorsheysan ka geysatay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Akhriso: Doorka Warshadaha yar yar ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---