Dowlad Carbeed oo gaadiidka Gurmadka deg dega u dirtay Shacabka Falastiin

Ciidamada Yahuudsa Israa’iil ayaa wali wada weerarada ay ku beegsanayaan shacabka aan waxbo galabsan ee reer Falastiin, waxa ayna magaalooyinka qaar ku garaacayaan gantaalo halka kuwa kalana rasaas dadka ku furayaan.

Dowlada Masar ayaa 10 gaari oo nuuca gurmadka deg dega u dirtay magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin si ay usoo daad gureeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaawacmay duqeymaha Israa’iil.

Gawaarida gurmadka deg dega ah ee dowlada Masar u dirtay dhulka Falastiin ayaa ka talaabay xadka, waxaana la filayaa in gaadiidkaasi lagu soo daad gureeyo dadka qaba dhaawacyada culus si loogu daaweeyo gudaha Isbitaalo kuyaala Masar.

Dad ku dhaw kun qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay rabshadaha ku dhawaad isbuuca socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo shacabka Falastiin, waxaa sidoo kale rabshadaha ku dhintay dad ka badan 10-qof ay ku jiraan caruur badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -