Allbanaadir.com
NEWS

Dabley hubeysan oo caawa dil qorsheysan ka geysatay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa caawa waxa ay Waaxda Jamhuuriyada oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa Guutada 2-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rag hubeysan ay askarigan ugu yimaadeen goob uu fadhiyay oo ku taalla Waaxda Jamhuuriya, ka dibna ay rasaas ku fureen, iyagoo ugu dambeyn goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta lagu dilay askariga inuu kaga ciladoobay gaari yar oo ay wateen isaga iyo askari kale oo Marxuumka la dilay u sheegay inay halkaas isaga tagaan xaalad amni daro darteed balse uu ka diiday.

Ciidamana amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka askariga la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Jeexjeexa ka dhacay

Cabdi Cade

Dagaal culus oo dhax maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada Macawiisley

Cabdi Cade

Xildhibaanada BF oo xaflad mahad celin ah loogu sameeyey Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---