Madaxweyne Qoor Qoor oo ku mashquulsan xalinta Xiisad ka dhalatay Dilka Sheekh Cali Dheere

Madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka wada dadaalo lagu xalinayo xiisad ka dhalatay dilka magaaladaasi loogu geestay Wadaad caan ka ahaa.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaana 12-ka bishan May lagu dilay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo kamid ahaa bahda Waxbarashada iyo culumada magaaladaasi, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay ciidamada amaanka Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday dilka Sheekh Cali Dheere, waxa ayna dadkii dhigayay banaan baxa iyo ehelada marxuumka dalbanayeen in lasoo qabto cadaaladana la horgeeyo dadkii dilay Cali Dheere.

Madaxweynaha Galmudug iyo taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo u tagay sidii xal loogu heli lahaa xiisada ka dhalatay dilka looguna qancin lahaa ehelada marxuumka in la aaso meydka Sheekha la dilay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in is faham laga gaaray xiisada dilka ka dhalatay, waxa uuna sheegay in ehelada marxuumka ogolaadeen in la aaso .

Madaxweynaha Galmudug ayaana ehelada marxuumka la dilay u  balan qaaday in lasoo qaban doono dadkii ka dambeeyay dilka loo geestay Sheekh Cali Dheere si deg deg ahna cadaalada loo horgeyn doono.

Sheekh Cali Dheere ayaa Maamulihii guud Ee Jamciyadda imaamu Nawawi qaybta Gobolka Mudug, si gaar ah waxa uu gacanta ku hayay Aqoon & carruurta qoysaska danta yar, waxa uuna kamid ahaa dadka sida weyn looga qadariyo Gaalkacyo.

 

- Advertisement -