Muuqaalka ninkii ka dambeeyay qarax maanta ka dhacay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ninkii ka dambeeyay qarax gaari hoosta looga xiray oo maanta duhurkii ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ninkan lasoo bandhigay oo magaciisa ku sheegay Xudeyfa Daa’uud Yuusuf ayaa qirtay in uu katirsan yahay Ururka Al Shabaab gaar ahaan kooxda qaabilsan in qaraxyada gaadiidka hoosta uga xiraan.

Muuqaal ninkan ay kasoo duubtay Hay’ada NISA ayuu kaga hadlay sida uu gaariga maanta ku qarxay Isgooska Soobe qaraxa ugu dhajiyay, waxa uuna sheegay in lagu amray in qaraxa ku xiro gaadiidka miyaaradaha madow iyo kuwa aan taargada laheyn.

Sida aan wararka ku helnay ninkan waxaa gacanta ku dhigay dad shacab ah uu ku jiro ninkii lahaa gaarixa uu qaraxa ku dhajiyay kaa oo arkay xiligii uu gaariga qaraxa ku dhajinayay.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaana daqiiqado kadib ku qarxay isgooska Soobe, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay hal qof oo shacab ah, waxaana gabi ahaan gubtay gaarigii qaraxa lagu soo xiray.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleestay bishan gudaheeda in ay Muqdisho ku qabtaan xubno katirsan Al Shabaab oo qaarkood dilal geestay halka kuwa kalana la qabtay iyaga oo dagaalamaya .

Halkan ka Daawo Muuqaalka NISA ay soo dhigtay Twitterka 

- Advertisement -