Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay safar dibeda ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdu uu horkacayo ayaa goor dhow ka ambabaxay dalka iyagoo ku sii jeeda dalka Sacudia Arabia.

Ujeedada safarka Rooble iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay iney tahay soo gudashada cumrada, iyadoo inta uu safarkiisa ku guda jiro la filayo inuu la kulmo Mas’uuliyiinta sare ee Boqortooyada.

Dayuurad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha iyo wadigiisa ayaa maanta duhuradii ka qaaday Muqdisho.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowlada ayaa qeyb ka ah wafdiga raisul Wasaaraha ee u ambabaxay Sacuudiga oo la filayo iney maalmo ka dib ku soo laabtaan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Gabdhihii lagu afduubtay Nairobi oo lasoo bad baadiyay iyo Eedeysane la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ay xayirtay 35-Milyan Dollar oo loogu deeqay Maamulka ….

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo go’aan adag ka qaatay dirirta ka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---