Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weyn ee golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay geerida  Xildibaanka oo wararku sheegayaan inuu mudooyinkan la ildarnaa xanuuno kala duwan.

Marxuumka ayaa soo noqday RW ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha dibadda xukuumaddii RW Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004-tii.

Sidoo kale waxa uu soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii Kacaanka ee dalka ka talineysay mudada 21-ka sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare caan ah oo $16 Milyan oo dollar siiyey gabar uu shukaansaday

Caydiid Ali

Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin Al Shabaab katirsan oo dil geesan rabay oo isaga la toogtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---