(Sawirro) Wafdigii Qatar & xubno ka tirsan Musharaxiinta oo caawa ku shirsan Muqdisho

Shir u dhaxeeya xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah iyo wafdigii ka socday dowladda Qatar ee dhawaan soo gaaray Soomaaliya ayaa caawa ka socda Hotelka Decale ee u dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Wafdigan oo uu horkacayo Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa xubnaha ay la kulmeen waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh, RW hore Xasan Cali Khayre, hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale.

Ilo xog ogaal ah ayaa Allbanaadir Online u sheegay in wafdigan ay musharaxiinta kala hadlayaan ismari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa

Wafdigan ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Somalia Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yaasiin, Raisul wasaare Rooble iyo gudoonka labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -