Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo baaq u dirtay Maamulada Somaliland iyo Puntland

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal.

“Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma Baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo Cunfi”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Somaliland iyo Puntilad sidoo kale ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceynbkaa iyo Cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda sare ee Kenya oo qaadaysa tallaabo yaab leh oo la xiriirta kiiska Badda

admin

Ciidanka Xoogga oo mar kale looga digay in ay Siyaasadda ku milmaan Hanjabaadna loo diray

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhigiisa Jabuuti oo kulan muhiim yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---