Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil Itoobiyan ah oo gaaray Kismaayo & Axmed Madoobe oo..

Sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo magaalada Kismaayo duulimaad milateri ayaa ka dagay halkaas, kuwaasoo ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Saraakiishan ayaa tagay halkaas la kulanka madaxda Jubbaland oo haatan wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya madaxda sare ee DF.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Max’uud Sayid Aden ayaa ka dagay magaalada Addis Ababa galabta, isagoo halkaas wada hadal kula yeelanaya dhinaca Itoobiya.

Itoobiya ayaa kumanaan Askarteeda u daabushay xaduudaha Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay kuwaasoo ka soo gudbay xadka Doolow ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo ka faaiideysanaya khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Addis ababa ayaa garab siyaasadeed ka helaya ciidamada iyo saraakiisha Itoobiya si ay uga difaacaan duulaan ciidamada DF qorsheynayaan iney kaga taqalusaan maamulka Axmed Madoobe.

Related posts

Labo Dowlad oo dalkooda oo ka masaafuriyey ku dhowaad milyan reer Afghanistan ah

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo qabtay gaari qaraxyo laga soo buuxiyay ninkii wadayna toogtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saddex kamid ah Hoggaamiyaasha Islamic Jihad oo saakay la dilay (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---