Allbanaadir.com
NEWS

Nin Soomaali ah oo tacadiyo xanuun badan geestay oo la qabtay Maxkamadna la saarayo

Ciidamada amaanka dalka Liibiya ayaa gacanta ku dhigay muqalas Soomaali ah oo ka shaqeyn jiray tahriibinta iyo socdaalka Sharci darada ah, waxaana Muqalaskan lagu eedeeyay in uu geestay tacadiyo badan.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Liibya, Al-Siddiq Al-Sour, ayaa xaqiijiyay in la xiray dacwadana lagu soo oogayo muqalas Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Qidi, waxa uuna ku eedeeyay Muqalaskan in uu hormuud u ahaa koox abaabulan oo dadka tahriibisa.

Waxa uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Liibiya Muqalaskan Soomaaliga ah  inuu si bareer ah u laayey dad badan oo muhaajiriin ah, waxa uu sidoo kale ku eedeeyay in uu ka ganacsadey xubnaha bani’aadamka dadka uu laayay qaarkood.

Muqalaskan Soomaaliga ah ee xiran ayaa sidoo kale Xeer ilaalinta dalka Liibiya ku eedeesay in uu kufsaday haween badan oo soo galooti ah kuwaa uu meel ku xareestay, waxa kale lacago ka qaatay ehelada dadka uu qafaashay uu muuqaalo u diray iyaga oo la garaacayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Libya, Al-Siddiq Al-Sour, ayaa sheegay in ay caawin doonaan haweenka iyo dadka kale uu tacadiyada u geestay Muqalaskan Soomaaliga isagoona ka codsaday in ay ku marqaati furaan si talaabo looga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay ku dhawaad 200 Sargaal (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Xasan Mustaf Dhaayow oo kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab uu katirsanaa

Cabdi Cade

Xildhibaan sheegay inuu dowlada Eritrea kala xiriiray arrinta dhalinyarada Maqan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---