Maamul Goboleed mar kale shaaciyay in Farmaajo Madaxweyne u aqoonsaneyn

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku celisay in aysan Madaxweynaha Soomaaliya u aqoonsaneyn Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in maamulka Jubbaland go,aankiisu cad yahay ayna Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne , waxa uuna xusay in aysan ka qeyb galeyn shirarka uu iclaamiyo.

”Kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u sheegay in Farmaajo waqtigiisa dhamaaday una aqoonsaneyn Madaxweyne, waxa ayna diideen in ay ka qeyb galaan shirarka uu Farmaajo iclaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -