Kenya oo Mamnuuceysa in Xiriir Jaceyl iyo mid guur uu dhax maro raga iyo haweenka katirsan …

Dowlada Kenya ayaa ayaa wada qorsho ay ku dooneyso  in ay ku mamnuucdo in xiriir jaceyl ku saleesan iyo mid guur uu dhax maro ragga iyo dumarka kawada tirsan ciidamada booliska Kenya.

Qorshahan ayaana la sheegay in lagu doonayo in lagu yareeyo falal dambiyeedyada ka dhasha isku dhaca dhax mara mararka qaar raga iyo haweenka katirsan booliiska ee xiriirku ka dhaxeeyo.

Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiangi’, ayaa sheegay in qorshahan lagu mamnuucayo in ay xiriir yeeshaan raga iyo haweenka kawada tirsan booliiska loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya si ay u ansixiyaan.

 Fred Matiangi’ ayaa sheegay in dalka Kenya horey uga hirgashay loogana mamnuucay in xiriir Jaceyl ama mid guur uu dhax maro askarta kawada tirsan ciidamada milatariga dalka Kenya ee kala darajada sareeya.

“Hadda ka dib, waxay noqon doontaa sharci darro in askari boolis ahi la haasaawo haweenay askariyad ah ama guursado. Hadii ay arintaasi dhacdo na waxa qasab noqonaysa in midkood shaqada ka ruqsaysto” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa kusoo batay isku dhacdaya dhax mara raga iyo haweenka kawada tirsan booliiska ee ka dhaxeeyo xiriirka jaceyl iyo midka guur, waxa ayna Kenya dooneysa in gabi ahaanbo meesha ka saarto xiriirkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -