(Sawirro) Cumar Filish iyo Madaale oo ka wada hadlay qorshaha xil wareejinta

Guddoomiyaha xafiiska jooga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddoomiyaha magacaaban ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa ka wadahadlay qaabka ay u dhaceyso xil wareejinta maamulka gobolka iyo xiliga la qabanayo

Labada masuul ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarumaha Dowlada Hoose ee Xamar. Goobaha ay masuuliyiintan kormeereen ayaa waxaa kamid ah.

1-Xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar.
2-Xarunta Gaadiidka bisha cas iyo Xarunta sheybaarka dhismaha ee Dowlada hoose.
3- xarunta Caafimaadka Dowlada Hoose.
4-Xarunta Agaasinka Waxbarashada.
5-Xarunta Dabdamiska.
6-Xarunta Dad-dhigista iyo Xarunta taliska ciidanka ilaalinta deegaanka ee Dowlada Hoose.
7-Xarunta Barxada Biyaasa Liibara.

Guddoomiyaha magacaaban ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda la wareego xilka.

- Advertisement -