Nin 15 sano iska qaadan jiray lacag uusan shaqeysan iyo sida ay ku dhacday !!

Shaqaale isbitaal ku yaalla dalka Talyaaniga ayaa lagu eedeeyay inuusan shaqada imaan jirin isagoo shaqaale buuxa u diwaan gashnaa muddo 15 sano ah, sida ay tebisay warbaahinta dalkaas.

Ninka ayaa la sheegay in sanadkii 2005 uu joojiyay inuu tago shaqada isbitaalka Ciaccio oo ku yaalla magaalada koofurta dalkaas ku taalla ee Catanzaro.

Waxaa haatan ku socda baaritaan ku saabsan khiyaano, dhac iyo ku tumasho xafiiska ah, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Talyaaniga ee Ansa.

Waxaa la sheegay in guud ahaan sanadahaas la siiyay lacag dhan €538,000 (£464,000) isla markaana loo maleynayo inuusan shaqeyn jirin.

Lix maamule isbitaalka ka tirsan ayaa sidoo kale lagu sameynayaa baaritaan la xiriira inay ku lug lahaayeen maqnaanshaha ninkaas.

Ninkan ayaa la soo xiray kaddib markii ay booliisku baaritaan dheer ku sameeyeen maqnaanshaha shaqaalaha iyo wax is daba marinta ka jirta hay’adaha dowladda.

Shaqaalahan ayaa adeegga bulshada ka shaqeynayay, waxaana isbitaalka shaqo laga siiyay sanadkii 2005. Isla sanadkaas ayuu joojiyay inuu shaqada tago, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa sidoo kale ku eedeeyay inuu maamulihiisa ugu hanjabay inay joojiso in dacwad dhanka anshaxa ah oo isaga ka dhan ah ay ku soo oogto.

Haweeneydaas maamulaha ahayd ayaa markii dambe shaqada ka tagtay, sida uu booliisku sheegay, dadkii isaga ka dambeeyayna kama aysan war helin maqnaanshihiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -