Booliska Somalia ayaa soo bandhigay ninkii dilay Ciyaartoy ka tirsanaa Xulka Qaranka Kubada cagta Somalia oo maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray, eedeysane Shariif Maxamed Axmed oo dil u geystay Marxuum C/Fitaax Cabdi Cismaan (Carab) Waxaana la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska
Marxuum Abdifatah Carab ayaa u geeriyooday rasaas uu ku furay ninkan oo ka tirsanaa ilaalada dhismaha Safari Apartments oo ku yaalla degmada Hodan ka dib markii ay murmeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobtii ku geeriyooday markii ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, waxaana meydkiisa la geeyey Isbitaalka Madiina.
Abdifatah Carab ayaa sidoo kale u soo ciyaaray qaar ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka, isagoo sidoo kale ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda Astaan TV ee magaalada Muqdisho.
Dilka marxuumka ayaa waxaa si weyn uga naxay dhalinyarada iyo bahda Isboortiga Soomaaliyed gaar ahaan kubada cagta oo uu muddo badan ku dhex jiray.