Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo War cusub kasoo saaray Xaalada Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale walaac xoogan ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee xiligan ka taagan Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashada waqtigeeda dhaaftay.

Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay in wali walaac ka qabaan xaalada cakiran ee Soomaaliya ka taagan iyo khilaafka dhinaca doorashada ee u dhaxeeya Hogaamiyaasha Soomaalida.

”Xubnaha Golaha Ammaanku waxay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada cakiran ee siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ee ku saabsan qaabka doorashada.” ayaa lagu yiri qoraalka golaha .

Golaha amaanka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in horumarka baaxad leh laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xagga bixinta amniga, dimuqraadiyadda, dib u habeynta siyaasadeed iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deymaha.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka ka taagan doorashada uusan horseedeyn horumar balse  uga darayo dhibaatooyinka culeyska leh sida daadadka, abaaraha, ayaxa , aafada COVID-19, iyo la dagaalanka argagixisada.

Qoraalka golaha amaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay  in is-afgarad laga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ay taageeri doonto oo fududeyn doonto horumarka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen in is afgarad la gaaro muhiim u yahay qaab kasta oo doorasho oo si guul leh loo gaarsiiyo, iyagoona xusay in heshiiskii 17-kii Sebtember inuu weli yahay aasaaska kaliya ee la isla ogol yahay.

Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Siyaasada in ay diidaan rabshadaha oo ay dib u bilaabaan wadahadalka si deg deg ah oo shuruud la’ aan ah, waxa ayna madaxda Soomaalida xauusiyeen in ay dhaqan galiyaan heshiisyadii horey loo gaaray.

Qoraalka ayaa loogu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in dantooda kahor mariyaan mida umada Soomaaliyeed kana shaqeeyaan qabashada doorasho loo dhan yahay , waxa ayna golaha amaanka balanqaadeen in gacan ka geesanayaan xal u raadinta xiisada aloosan.

Ugu Dambeyn Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyay  warmurtiyeedkii shalay kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee midowga Afrika, waxa ayna taageereen dadaalada Midowga Afrika ku bixinayo xalinta xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya ka aloosan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -