Agaasime Mahad Salaad oo kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Agaasimaha heyadda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Salaad Maxamed ayaa caawa kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Talaabadan oo ah mid dhif iyo naadir ah oo aan looga baran taliyeyaasha NISA ayuu Mahad Salaad ku booqday qaar ka mid ah xarumaha au kulmaan bulshada iyo goobaha ganacsiga. isagoo sidoo kale socod ku maray jidadka qaar.

Mahad Salaad ayaa si gaar ah u booqday goobaha ahy ku caweeyaan shacabka qaarkood isagoo salaan, wada sheekeysi iyo sawiraba la galay shacabkii uu goobahaas ugu tagay.

Kormeerkan ayaa ku soo aaday xili lagu guda jiri bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo bishan oo kale looga bartay kooxda Al-shabaab iney xoojiyaan weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Amaanka caasimada Somalia ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn u soo hagaagay mudooyinkan tan iyo markii uu Taliye Mahad Salaad la wareegay xilka agaasimaha NISA.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -