Maamulka degaanka Soomaalida oo si kulul uga hadlay iscasilaada Filsan C/llaahi

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa si kulul uga hadlay iscasilaadda Wasiiradii haweenka dowlada Itoobiya Filsan Cabdullaahi oo shalay iscasilaadeeda u gudbisay RW Abiy Ahmed.

Filsan oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ayaa ahayd masuukii ugu horreeyey heer federaal ee qirta inuu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday.

Wasiirada ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada si aan toos aheyn uga hadashay iscasiladeeda.

“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed. Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” ayey qoraalkeeda ku tiri.

iscasilaada wasiirada ka dib ayaa maamulka dowlad degaanka Soomaalida waxaa uu soo saaray qoraal jawaab u ah iscasilaada Wasiirada kaasoo sidan hoose u qornaa”

“Siyaasiyiinta fashilmay iyo qawlaysata dagaalka ka macaasha uma hadli karaan dadka Deegaanka Soomaalida.”

“Kaliya akoonadooda baraha bulshada ee buuqa badan ayay ku soo bandhigaan iyagoo iska dhigaya dad matalaya shacabka deegaanka. Laakiin, cidna ma matalaan oo waa ogyihiin, Xukuumadda Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijinaysa inay si weyn u taageersan tahay ajendaha dib -u -habaynta ee Raysal -wasaare Dr. Abiy Ahmed:” ayaa lagusoo gunaanaday qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -