Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) Fadeexad & Ceeb ka taagan dawooyin DF geysay Moqokori

Fadeexad ayaa ka taagan dawooyin shalay Gudoomiyaha heyadda Maareynta musiibooyinka ee DF ay ka geysay  degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan kaasoo loogu talo galay xoogaga degaanka ee dagaalka kula jira Al shabaab.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo munaasabada wareejinta daawadaas ka hadlay ayaa sheegay in dawooyinkan ka kooban yihiin cirbado dhiig joojin ah, antibiotic, iyo qalabka iyo dawooyinka loogu talo galay dhaawacyada.

Dawooyinkan ayaa ku jiray dhowr iyo toban kartoon oo Muqdisho looga qaaday labo dayuuradood oo lagu kireeyey kumanaan dollar.

Hase ahaatee fadeexad iyo ceeb ayaa timid ka dib markii kaartoomadii la furay ay ka soo baxeen dharka iyo qalab kale oo looga gaashaanto cudurka COVID 19, 24 xabo oo faleebo ah iyo sharoobooyin dhicitaankoodu ka harsan tahay 3 bilood taasoo la yaab ku noqotay masuuliyiintii lagu wareejiyey.

“Diyaarado dhan ayaa loo soo kireystay dhowr kartoon oo faleenbo ah iyo qalab dhacay oo loogu talagalay la tacaaliddii duraygii Covid-19. Haddaba, maxaa dembi ah oo la galay oo muhiim ah in la fahmo? Diyaarada ayaa laga kireeyay qasnadda dowladda, si furimaha la isugu soo sawiro Waxaa la qaaday qalab aan loo baahneyn oo weliba dhacay, Waxaa lagu cayaaray garaadka bulshada halganka ku jira” ayuu yiri masuul ka tirsan  maamulka gobolka Hiiraan.

Dhacdadan oo dad badan ka yaabisay ayaa sababtay in maamulka Hirshabelle uu ku dhawaaqo maanta inuu joojiyey wada shaqeyntii uu la lahaa heyadda SODMA oo uu ku eedeeyey ku takrifal gargaarka loogu talagalay shacabka Hirshabelle, iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka.

HOOS KA DAAWO FADEEXADA DAWOOYINKA LA GEEYEY MOQOKORI

Related posts

Dowladda oo Ciidamo badan geesay Suuqa Bakaaraha amar cusubna siisay Ganacsatada

Cabdi Cade

Somaliland oo beenisay iney khalkhal gelisay hawada Somalia, eedeyna u jeedisay..

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo saddex cisho u qabtay dowlada Somalia (Maxa soo kordhay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---