Midowga Yurub oo ka hadlay Go’aankii shalay kasoo baxay Midowga Afrika

Midowga Yurub ayaa taageeray u muujiyay go’aankii shalay kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee  ku aadaneyn xiisada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan mudo kororsiga Dowlada sameesatay.

Qoraal ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Joseph borrell ayaa lagu cadeeyay in ay taageerayaan go’aanka golaha amniga ee Midowga Afrika ku diideyn mudo kororsiga dowlada sameesatay.

Joseph borrell ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalka si heshiis looga gaaro khilaafka doorashada , waxa uuna soo dhaweeyay  ergayga Midowga Afrika u magacaabayo xal u helida xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa  sidoo kale lagu soo dhoweeyay baaqa ah in Shirka dalal ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa horey uga hor yimid go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka mudada ugu kordhiyeen dowlada Soomaaliya, waxa ayna ku baaqeen in dib loogu laabto wadahadalka si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -