Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo lacag badan dalbaday

Dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa muujiyay niyad jab xooggan oo ay ka qabaan maalgelin la’aanta howlgalka xasillinta Soomaaliya, iyagoo dalbaday in la bixiyo $93.8 milyan oo ah mushaharka iyo kharashaadka la xiriira ciidamadaasi.

Dalalkan  ayaa ka digay in deymaha is biirsaday ay khatar gelinayaan kalsoonida iyo joogitaanka ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya

Deymaha la xiriira mushaaraadka iyo kharashaadka ciidamada ee laga leeyahay howlgalka hore ee ATMIS ayaa gaaraya $93.9 milyan. Lacagahan ayaa lagu leeyahay muddada u dhaxaysa 2022 ilaa 2024

Quburo dhanka amniga ah ayaa sheegay in deymahan ay saameyn weyn ku yeesheen howlgalka  iyadoo la filayo in arrintan si qoto dheer looga doodo shir dhowaan ka dhici doona magaalada Doha ee dalka Qatar  Shirkaas waxaa isugu imaanaya Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka

Ujeeddada shirka ayaa ah in laga gaaro xal ku saabsan maalgelinta howlgalka AUSSOM, gaar ahaan kaddib markii Dowladda Mareykanka ay diidday inay maalgeliso

Mareykanka ka soo horjeesatay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay kaasi oo qeexayay habka maalgelinta cusub ee howlgalka xasillinta Soomaaliya

Related posts

Aqalka Sare oo qaaday talaabo muhiim ah iyo Wasiir u mahad-celiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Kulankii Xassan Shiikh & Saraakiisha XDS (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan iyo sida loo kala helayo Lacagtaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---