Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartoy ka tirsanaa Xulka Qaranka K/Cagta Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Ciyaartoy ka tirsanaa Xulka Qaranka Kubada cagta Somalia ayaa lagu dilay maanta magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Marxuum Abdifatah Carab ayaa u geeriyooday rasaas uu ku furay nin ka tirsanaa ilaalada dhismaha Safari Apartments oo ku yaalla degmada Hodan ka dib markii ay murmeen, askariga dilka geystay ayaa la qabtay oo xabsiga la dhigay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobtii ku geeriyooday markii ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, waxaana meydkiisa la geeyey Isbitaalka Madiina.

Abdifatah Carab ayaa sidoo kale u soo ciyaaray qaar ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka, isagoo sidoo kale ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda Astaan TV ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ee dowlada Somalia ayaan illaa hadda wax war ka soo saarin dilka marxuumka oo ay si weyn uga xumaadeen dhalinyarada iyo bahda Isboortiga Soomaaliyed gaar ahaan kubada cagta.

Related posts

Maxkamad xukun ku riday 101 sano jir ka tirsanaa taliskii Adolf Hitler (Sawirro)

Caydiid Ali

Eey madaxiisa la dul dhigay lacag si loo dilo oo ilaalo gaar ah loo sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

UNICEF: Gaajo iyo cudur ayaa cirka isku shareeri doona haddii Rafah la weeraro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---