Salka Xaqiijinta Dimuquraadiyadda dalka waa Doorasho Dadweyne !!

Marka la eego adduunyada, ama qadka dowladnimada casriga ah, waxa ugu horreeya ee ay dimoqoraadiyad ahaan ku dadaalaan: inay u xaqiijiyaan dowladaha dumay ee soo kabanaya, waa inay shacabka awooddooda iyo xuquuqdooda ku celiyaan, oo ay codeeyaan si ay metelaaddooda u doortaan (intii suurtagal ah) iyaga oo aan qofna ku caasin doonin wixii ay xushaan, ama natiijada codkooda.
Soomaaliya, waxay ka mid tahay dowladaha heykalkoodii dumay ee dib loo yabyabayo, ilaa haddana meel wanaagsan maraya. Labo (2) mar ayaa soomaaliya doorasho dadku codeeyeen ka dhacday ( 1960kii iyo 1967kii), walow musuq badan lugu xanto.
 
Hadda, waa 2021ka. Markii dalkaan doorasho dadweyne codeeyo, ama doorasho shacab ugu dambeysay waxaa laga joogaa: 54 sano! Yacnii qofkii 1967kii dhashay, isaga oo aan la dooran waxna dooran si furan, ayaa cumrigiisii seddax-meelood labo-meel (2/3) ay tageen! Waa xuquuq luntay oo aan soo laabaneyn!
 
In 54 sano kaddib, dadweynaha awooddooda iyo xuquuqdooda loo celsho, oo ay iyagu hoggaankooda doortaan, intii la awoodo, si mabda’ ‘doorasho dadweyne’ loo soo celiyo, waa waddada iyo falsafadda kaliya ee ugu saxan, ama ugu habboon ee haddiiba loo socdo xaqiijinta dimoqoraadiyadda lugu xaqiijin karo. Shacabkana siiba da’yarta e, waxaa saaran inay cidda arrintaa u sacyineysa garab istaagaan, oo la saftaan.
 
Doorasho dadban waa xaaraan, waa afduub, waa dheeh qabiil, waa caddaalad darro. Wixii lugu qaatay waxay aheyd: horiweyto, ee ma aheyn abaddi. “Qofka doorasho dadban u ol-oleynaya iyo qofka dalkaan afgembiga ku qabsado/day waa isku mid aan waxba isdoorin”. Waxay ka siman yihiin: afduubka shacabka iyo leexinta awooddooda.
 
Qodka siyaasiga ah, waxaa u sharaf badan inuu beretankiisa ‘hanashada hoggaanka’ ku saleeyo: kaabidda/buuxinta baahiyada ka jira majaalka arrimaha bulshada, sida: ceel la qodo, iskuul la dhiso, isbitaalka la howlgeliyo, waddo la dhiso, ama si guud mashaariic hormarineed oo bulshada lugu celiyo (xitaa deegaanka reerkaada ku gaaryeel). Waa qalad, jaahilnimo, ilbaxnimoxumo, damac taraar dhaafay: in nin xildhibaan qaran ku sheeggan, oo mushaari ku ah, oo canshuurta soomaaliyeed masruufta, uu 2021ka, carrab dalab leh, oo qabiil gaar ahi ka urayo ku hadaaqo, yaahuu!
 
Qof jaahil ah, iimaan la’, oo wax kale oo uu dadka ku qanciyo kuna kasbado waayay, ayaa qabiil soo qaada, ku meereysta, dhufeysna ka dhigta, waana arrin ceeb ah oo tagto xun ku reebta qofka ku sifooba arrintaas.
F.G Qormadan kama turjumeyso aragtida Shabakada Allbanaadir, waxa ayna gaar u tahay qoraha ku saxiixan
W/Q Saalax Xiireey kheyre – G/Ku/Arrimaha Bulshada Deg. Warta-Nabadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -