Madaxweyne Afrikan ah oo dhawaan dib loo doortay oo Dagaal lagu dilay

Madaxweynaha dalka Chad Idriss Deby oo dhawaan mar kale loo doortay in talada dalkaasi sii hogaamiyo ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray dagaal ciidamada dowlada kula jiraan kooxo mucaarad ah.

Afhayeenka ciidamada Chad General Azem Bermandoa Agouna oo ka hadlay telefishinka Dowlada ayaa shaaciyay geerida Madaxweynaha dalkaasi , waxa uuna xusay Afhayeenka in madaxweynaha u dhintay dhaawac kasoo gaaray jiida hore ee dagaalka.

Madaxweyne Idriss Deby , ayaa horey u shaaciyay in uu tagayo jiidaha hore ee dagaalka si uu u dhiiro galiyo ciidamada dagaalka kula jira xoogaga mucaaradka, booqashada uu ku tagay jiida dagaalka ayaana kasoo gaaray dhaawac culus oo sababay in uu geeriyoodo.

Ciidamada dowlada Chad ayaa dagaal xoogan kula jiray xoogag mucaarad ah oo fadhigoodu yahay Waqooytiga dalkaasi, ciidamada mucaaradka ayaana kusoo siqay goobo ay horey u joogeen ciidamada dowlada.

Idriss Deby oo markii lixaad loo doortay Madaxweynaha dalka Chad ayaa hada ahaa 68 sano jir , waxa uuna xukunka dalkaasi la wareegay sanadkii 1990-kii, wuxuuna kamid  ahaa hoggaamiyayaasha Afrika ee ugu xukunka dheeraa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -