Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo goordhaw isaga tagay Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan uga dhoofay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ku sugnaa mudo bil ka badan.

Labada Madaxweyne ayaana diyaaradihii siday ka duuleen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana la filayaa daqiiqadaha soo aadan in ay kala gaaraan magaalooyinka Kismaayo iyo Garawe.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaan kahor inta aysan ka dhoofin magaalada Muqdisho waxa ay kulamo la qaateen qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka ay ku jiraan Safiirada Mareykanka iyo UK u jooga Soomaaliya iyo James Swam.

Waxa sidoo kale Madaxda Puntland iyo Jubbaland kahor inta aysan ka dhoofin Muqdisho la kulmeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Aqalka sare ay ku mideesan yihiin Madasha Midnimo Qaran.

Ka bixitaanka Muqdisho Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa imaaneysa xili uu gabi ahaan fashilmay shirkii arimaha doorashada looga hadlayay kadib markii Xildhibaanada golaha shacabka ay sameesteen Mudo kororsi sidoo kale ku taageeray Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -