Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo shaacisay xiliga ay bixisay lacagta ay ugu deeqday gurmadka Belad-weyne

Iyadoo Guddiga Gurmadka Beleweyne ay 7-dii bisha sheegeen in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin ayaa waxaa arrintaas ka hadlay dowlada Jabuuti

Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) ayaa xaqiijiyay in lacagtaasi ay todoba bilood ka hor ku wareejisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee dowlada Soomaaliya.

Danjiraha ayaa xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay, ayna tahay howshaas dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in lacagtaas iyo lacago kale oo DF ku deeqday lasoo gaarsiiyey shalay, iyadoo haatan Belad-weyne ay wajaheyso cabsi la xiriirta fatahaado kale oo ku soo wajahan.

Lama oga sababta dowlada Somalia ay mudada intaas le’eg u heysatay dhaqaalaha loogu talo galay ka hortaga fatahaadaha magaalada Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay duqeyn ka dhacday Calmiskaad

Cabdi Cade

Dibad baxyo looga soo horjeeday Shirkii Musharaxiinta ku yeesheen Muqdisho oo la dhigay

Cabdi Cade

(Sawirro) DF oo ku adkeysatay qorshaha dhismaha Hirshabelle & Cali Guudlaawe oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---