Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Birjeex oo qabtay xubno katirsan Al Shabaab

Ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland gaar ahaan guutada Birjeex, ayaa nolosha ku qabtay labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa ku sugnaa tuulooyin hoostaga deegaanka Buula-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose .

Howlgal ay ciidanka sameeyeen ayey ku qabteen labo nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab iyo saddex mooto oo ay wateen, raggan ciidamada soo qabteen ayaana lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab ee laga saaray deegaanka Buula-xaaji.

Col. Cabdikaafi Dayib ,talyaha guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Jubbaland  ayaa sheegay in ciidamada qabteen labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, waxa uuna intaa ku daray in  ciidamadu ay ku raad joogaan xubno kale oo xogtooda ay hayaan oo ka shaqeenaya dhibaateynta shacabka.

Dhanka kale ciidamada Birjeex waxaa isku soo dhiibay afar kamida kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in ay u adkeysan waayeen caqabadaha waqtigan ay wajahaan kooxdaasi, waxa ayna raggan  xiriir la soo sameeyay saraakiisha si ay u noqdaan kuwo ka tanaasulay fikirka xagjirnimada ah.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada Birjeex ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinaya ka wada deegaanka Buulo-xaajo oo ay dhawaan kala wareegeen kooxda Al Shabaab , oo deegaankaasi in muddo ah gacanta ku heysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay xeer muhiim ah oo la horkeenay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Gor Gor oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaybta 3 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin
Taboola Ads ---