Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400- oo Maxaabiis ah

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xidhan.
 
Maxaabiista Madaxweynaha Somaliland cafiska u fidiyay ayaa gaaraya 484 Maxbuus kuwaa oo galay dambiyo fud fudud, waxa uuna Madaxweynaha cafiskan ugu fidiyay maxaabiista bisha Ramadaan owgeed.
 
Halkan ka Akhriso Wareegtada Cafiska uu ku fidiyay Madaxweynaha
 
Cafis
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
 
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
 
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021;
 
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021;
 
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
 
Waxaan Go’aansaday;
 
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus.
Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qareen Xaday Lacag badan oo Soomaaliya leedahay oo Dacwado lagu soo oogay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada 11-kursi oo lagu dooranayo magaalada Baledweyn oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---