Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo looga arinsanayo Go’aankii Golaha Shacabka oo Muqdisho ka socda

Waxaa Hotel kuyaala xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ka socda shir xasaaasi ah ay leeyihiin Midowga Musharixiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland kuwaa ku mideysan Madasha Badbaado Qaran.

Shirkan u socda Madasha Badbaado Qaran ayaa ah mid looga arinsanayo go’aankii shalay Xildhibaanada golaha shacabka mudo kordhin labo sano ah ugu sameeyeen Hay’adaha dowlada federaalka meeshana uga saareen doorashadii lagu heshiiyay in ay dhacdo.

Hogaamiyaashan shirka u socdo ayaa is dhaafsanaya aragtida go’aankii ugu dambeeyay ay ka qaadan lahaayeen go’aanka xildhibaanada golaha shacabka mudada ku kordhisteen kuna taageeray Madaxweyne Farmaajo.

Gabo gabada shirkan ayaa la filayaa in hogaamiyaasha ku mideesan Madasha Xisbiyada Qaran in ay kusoo saaraan war saxaafadeed ay ku cadeenayaan mowqifkooda ku aadan mudo kororsiga ay sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin u dabaaldegay guushii Mareykanka ee Koobka Adduunka oo lagu dilay Iran (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ilmo ku xaniban gunta Ceel uu ku dhacay & dedaal samatabixin ah oo socda (Sawirro)

Caydiid Ali