Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Doorashada 11-kursi oo lagu dooranayo magaalada Baledweyn oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabeelle SEIT ayaa maanta shaaciyay 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee taala Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Doorashada kuraastan ayaana la filayaa in dhawwaan ka dhacdo magaalada Baledweyne , waxaana kuraastan qaarkood la sheegay in loo xiray xubno si gara ah u wataan madaxweynaha Hirshabelle iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Kuraasta deegaan doorashadooda tahay magaalada Baledweyne ayaa lagu wadaa in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo, waxaana doorashada gollaha shacabka oo horey loogu heshiiyay in ay kusoo dhamaato 25-ka bishan ku yimid dib u dhac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=EAUdvOOZ9Mk&t=75s

Related posts

Soomaaliya oo dedaal ugu jirta iney ku biirto Ururka WTO

Caydiid Ali

Dad boqolaal kun gaaraya oo ka qaxaya Rafah ka dib duulaanka ay qaaday Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo Israel ku eedeysay iney si cad u gashay dambiyo dagaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---