Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay ujeedada wafdiga dowlada Somalia ee maanta tagay Magaalada Garoowe?

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Caddaalada Soomaaliya, Cabdulqaadir Max’ed Nuur ayaa maanta gaaray magaalada Garowe caasimada Puntland.

Ujeedada wafdigan ayaa la sheegay iney tahay sidii ay ula soo wareegi lahaayeen maxaabiis burcad badeed ah oo muddo ku dhow 10 sano ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Maxaabiistan oo kasoo jeeda Galmudug ayaa sanadkii 2012 laga soo wareejiyay xabsiyada Jasiirada Sycheles, kadib markii xukuno lagu riday, waxaana loogu talo galay in ay xabsiyadooda ku dhameystaan dalka gudihiisa.

Maamulka Puntland iyo dowlada Seycheles heshiis dhexmaray ayaa Garoowe loogu soo wareeejiyey Maxaabiistan.

Dhowaan ayey aheyd markii wafdi ka socda Galmudug ay tageen Garoowe, ayna ka dalbadeen Puntland iney sii deyso maxaabiistan, hase ahaatee Puntland ayaa arrintaas ka hor timid, iyadoo sheegtay iney ku wareejin karto oo kaliya DF, waana taas sababta keentay wafdigan maanta gaaray Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo weerar ku qaaday xubno katirsan Al Shabaab iyo Taliska Africom oo ka hadlay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo goordhaw Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraxyo caawa ka dhacay bartamaha Boosaaso & Booliska Puntland oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---