Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo goordhaw Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goordhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Laftagareen iyo xubnaha la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo masuuliyiin kale .
 
Socdaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in dhowaan yeeshaan Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada.
Shirka Wadatashiga Qaran  ayaa lagu waday in maanta Muqdisho ka furmo ,hasa ahaatee shirkan ayaa dib u dhac ku yimid maadaama dalka uu ka maqan yahay Ra’isul Wasaare Rooble, sidoo kale madaxda maamulada aysan wali soo wada gaarin Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil 12 jir ah iyo dad kale oo aano qabiil loogu dilay degaan ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somaliland oo u Mahadceliyay Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Ciidanka Jubbaland oo fashiliyey Miinooyin loo dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---