Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dr. Mohamed Ayoya oo loo soo Magacaabay Somalia, lagana Gudoomay warqada aqoonsiga

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Balal Maxamed Cusmaan ayaa waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay xafiiskiisa Muqdisho wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya. Dr. Mohamed Ayoya.

Wasiirka iyo wakiilka oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya, iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Dr. Mohamed Ayoya ayaa carabka ku adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono xoojinta wadashaqaynta iyo howlaha isku duwidda ee kala dhexeysa Xukuumadda Federaalka si wax looga qabto xaaladaha beni’aadanimo,  loona hirgeliyo barnaamijyada adeegga bulshada ee ku suntan dhallaanka, Hooyada,  Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Tahriibe doonayay in uu dabaal ku galo dalka Britain oo meydkiisa la helay

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah oo wax ka badaley magaciisa hadal heyn badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---