Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgarsiinta ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka.

Kulanka ayaa ku qotomay Xoojinta Xiriirka Milatari ee Ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo sidii loo dardargalin lahaa howlaha tababaridda iyo taageeridda Mareylanka siiyaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ka socotay Ciidamada Mareykanka ayaa waxay balan qaadeen kordhinta tababarka Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Qalabeyntooda si ay u dardar geliyaan dagaalka ay kula jran Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga saraakiil Ciidan oo tababarayaal ah ka dib markii ay ciidamadoodii kala baxeen Soomaaliya, waxaana jira duqeymo ay mararka qaar diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ka fuliyaan meelo kamid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada geerida dhulgariirka Myanmar oo labo kun dhaaftay (Sawirro

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Q/M u soo magacaabay Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi oo si kulul uga jawaabay qoraalkii ka soo baxay Ahlu sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---