Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil maanta loo geestay Xamdi Maxamed

Waxaa maanta barqadii qarax gaarigiisa loogu soo xiray ku geeriyooday askari katirsanaa ciidamada Nabad sugida maamulka Jubbaland, qaraxan ayaana ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu askarigan oo lagu magacaabayay Xamdi Maxamed Maxamuud (Kabtan ) gaariga qaraxa loogu soo xiray ku guda jiray shaqadiisa .

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay askarigan katirsanaa ciidamada Nabad sugida Jubbaland, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in askarigan bartilmaameed u ahaa.

Qaraxan ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho isbuucyo badan uu joogo Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe oo u yimid shirarka looga hadlayo doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -