Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayada Suweys (Sawirro)

Weerar ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa ka dhacay maqayaad kutaala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Qaraxa ismiidaaminta ayaana la sheegay in uu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Suweys oo kutaala Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, waxaana xiliga uu qaraxu dhacayay goob maqaayada ku dhaw ku sugnaa Gudoomiyaha gobolka Baay.

Sida aan wararka ku helay Gudoomiyaha gobolka Baay ayaana ka bad baaday qaraxa, waxaana ku dhintay ku dhawaad shan qof ay ku jiraan shacab oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

”Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada Bardaale ee  Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof, dhaawaca 5 kale, iyo burbur hantiyeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Soomaaliya.

Maqaayadan kutaala magaalada Baydhabo ee qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay maanta ayaa la sheegay in sidan oo kale horey uga dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -