Warbaahinta Qaranka oo la sheegay in Villa Somalia la wareegtay waxna ku baahiso !!

Telefishinka iyo Raadiyaha Qaran ayaa isbadal badan ku yimid bilooyinkii lasoo dhaafay tan iyo markii xilka laga qaaday Wasiirkii hore wasaarada Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye loona magacaabay Wasaaradaasi Cusmaan Dubbe.

Warbaahinta dowlada ayaa noqotay mid lagu baahiyo waxii la doono, waxa ayna ka tagtay dhax dhaxaadnimadii la filayay in ay ku shaqeyso, waxaana Warbaahinta toos loogu baahiyaa wararka ay rabto Villa Soomaaliya.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Warbvaahinta Qaranka oo lagu maalgaliyay canshuur shacabka laga qaaday hada u ekaaday bar bulsho ay maamulaan kooxda CBB.

Waxa uu sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegay in User-nemka baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka la wareegtay madaxtooyada Soomaaliya halkaasna laga soo galiyo wararka ay rabaan.

”Telefishinkii iyo Raadiyahii Qaranka ee canshuurta shacabka lagu maalgelinayey, waxay u ekaadeen bar bulsho oo ay koox CBB ah maamusho. Arrinkaas ayaan wax ka waydiiyey howlwadeen meesha ka shaqeeya, waxay ii sheegeen in ay Madaxtooyada kala wareegtay Username-kii iyo Password-kii oo toos halkaas wax looga soo geliyo.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Warbaahinta Qaranka noqoneyso mid ku shaqeysa dhax dhaxaadnimo, hasa ahaatee rajadii taasi laga qabay ayaa meesha ka baxday waxa ayna Warbaahinta Qaranka noqotay mid si gaar ah loo adeegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -